Selena Gomez oo sheegtay in sigaarka elektaroonigga ah uu saameeyay codkeeda

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Mark Savage
- Role, Weriyaha muusikada
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Selena Gomez ayaa sheegtay in isticmaalka sigaarka elektaroonigga ah ee ay ku jirto nikotiintu uu beddelay codkeeda.
"Ma awoodi doono inaan codkayga sidii hore ku soo celiyo," ayay fannaanadda oo 34 jir ah ku sheegtay qoraal ay si furan ugu hadashay oo ay Axaddii ku baahisay barta Instagram-ka. "Wax badan ayaan isticmaali jiray sigaarka elektaroonigga ah ee nikotiinta leh."
"Nikotiinta joojinteedu aad ayay u adag tahay. Waxaan kaliya rabay inaan idhaahdo, haddii aad la halgamayso joojinteeda, ama aad xitaa isku dayayso inaad bilowdo isticmaalka sigaarka elektaroonigga ah, runtii uma qalanto," ayay hadalkeeda sii raacisay.
"Waa arrin nacasnimo ah, waxayna beddeshay codkayga," ayay mar kale ku celisay, ka hor inta aysan qoslin oo aysan odhan: "Markaa haddii aydnaan jeclayn inaad codkayga dhegaysataan, taas waan fahmi karaa. Wax dhib ah iguma laha. Kaliya ha dhegaysanina."
Fannaanadda iyo atariishada, oo qabta cudurka difaaca jirka ee daba-dheeraada ee loo yaqaan lupus, ayaa hore u tilmaantay in cudurkani uu saameyn ku yeelanayay xargaha codkeeda.
Markii wax laga weydiiyay codkeeda intii lagu jiray kulan su'aalo iyo jawaabo ah oo ay bishii Diseembar ee sannadkii hore ku qabatay barta Instagram-ka, waxay tiri: "Mararka qaarkood waxyaabo ayaa dhaca. Codkaygu wuu is beddelaa. Mararka qaarkood gudaha dhuuntaydu xoogaa ayuu bararaa. Intaas uun weeye."
Kacdoonnada ama soo laba-kacleynta calaamadaha cudurka lupus waxay sababi karaan barar ku dhaca hareeraha dhuunta codka, taas oo keeni karta in codku xabeeb yeesho ama hadalku adkaado, kuwaas oo la mid ah calaamadaha hargabka.
Codka Gomez ayaa sidoo kale sii hooseeyay markii ay da'du korodhay, arrintaas oo aan ahayn wax aan caadi ahayn. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah taageerayaasheeda ayaa si gaar ah diiradda u saaray isbeddelkaas, iyagoo YouTube-ka soo dhigay muuqaallo isku xiran oo muujinaya sida uu codkeeda iyo qaabka ay u hadasho isu beddeleen muddooyinkii kala duwanaa.
Muuqaalkeeda Instagram-ka, xiddigta taxanaha Only Murders in the Building ayaa sheegtay inay dhowaan si tartiib tartiib ah u joojisay isticmaalka nikotiinta.
"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan joojiyay, waxaana rajaynayaa inaan sidaas ku sii socon karo," ayay tiri.
"Runtii aad ayay u adag tahay, laakiin waxaan ogahay in haddii aad wax la halgamayso, aad adiguna ka gudbi karto. Waa arrin aad u dhib badan."

Xigashada Sawirka, Selena Gomez / Instagram
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Caddeymaha ku saabsan qaar ka mid ah waxyeellooyinka sigaarka elektaroonigga ah ayaa si tartiib tartiib ah u soo baxaya, inkastoo aan weli si buuxda loo ogeyn saameynta uu muddada dheer ku leeyahay caafimaadka.
Warbixin ay dhowaan soo saareen dhakhaatiir ayaa sheegtay in isticmaalka sigaarka elektaroonigga ah lala xiriiriyay dhibaatooyinka neefsashada, xiiqda, qufaca, dhibaatooyinka ilkaha, hurdo xumada, dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda iyo xitaa calaamadaha xanuunnada indhaha.
Isticmaalka sigaarka elektaroonigga ah ma aha mid aan waxyeello lahayn. Nikotiinta ku jirta sigaarradan ayaa ah maaddo si fudud u keenta qabatinka. Taasi waa sababta Adeegga Caafimaadka Qaranka ee Britain (NHS) uu u sheego carruurta iyo dadka aan sigaarka cabin inaysan bilaabin isticmaalkeeda. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la muujiyay in sigaarka elektaroonigga ahi uu yahay hab wax ku ool ah oo dadka ka caawin kara joojinta sigaarka caadiga ah.
Bishii hore, fannaanadda muusigga pop-ka ee Lola Young ayaa sheegtay in saamaynta sigaarka elektaroonigga ahi ay sababtay in "neefsashadu ay ula muuqato hawl culus oo dhib badan."

Xigashada Sawirka, Selena Gomez / Instagram
Gomez ayaa markii ugu horreysay shaacisay in laga helay cudurka lupus wareysi ay sannadkii 2015 siisay majaladda Billboard.
Shaacinta ayaa timid ka dib markii ay si lama filaan ah u joojisay safarkeedii bandhig-faneed ee sannadkii 2013, si ay isu dhigto xarun baxnaanin oo ay daaweyn uga hesho.
"Waxaa la iga helay cudurka lupus, waxaana soo maray daaweynta kiimoterabiga," ayay u sheegtay majaladda. "Waxaan dadka ka fogaaday oo aan meel ku go'doomay ilaa aan mar kale isku kalsoonaaday oo aan naftayda ku qanacday.
"Taasi ayay dhab ahaantii fasaxaygu ku saabsanaa. Waxaa igu dhici karay istaroog."
Calaamadaha cudurka lupus waxaa ka mid ah murqaha iyo kala-goysyada oo xanuuna, qandho, finan maqaarka ka soo baxa, xanuunka laabta, timo-daadasho, dhibaatooyin kelyaha ah, daal iyo calaamado kale.
Sannadkii 2017, Gomez ayaa kelyo ka heshay saaxiibteed Francia Raisa, taas oo ka caawisay in cudurka lupus uu muddo ku jiro xaalad deggan oo calaamadihiisu yaraadaan (remission). Hase yeeshee, dokumenterigii ay soo saartay sannadkii 2022 ee Selena Gomez: My Mind and Me, ayay fannaanaddu ku sheegtay in cudurku mar kale ku soo laba-kacleeyay sannadkii 2020.
Taageerayaasha oo su'aalo ka keenay isticmaalka nikotiinta
Si kastaba ha ahaatee, ka dib markii ay shaacisay inay isticmaali jirtay sigaarka elektaroonigga ah, dadka qaar ayaa su'aal geliyay isticmaalkeeda nikotiinta, maadaama ay suuragal tahay inay saameyn taban ku yeelato kelyaha.
"Francia runtii waxay gabadhan siisay kelyeheeda, haddana waxay sii wadatay sigaarka... Alla yaab!" ayuu baraha bulshada ku qoray qof isticmaale ah.
"Qof ayaa deeqsinimo intaas le'eg muujiyay oo kelyihiisa kuu hibeeyay, haddana inaad naftaada ku riddo qabatinka nikotiinta adigoo sigaarka elektaroonigga ah isticmaalaya waa arrin aad loola yaabo," ayuu ku daray qof kale.
Si kastaba ha ahaatee, taageerayaal badan ayaa garab istaagay xiddigta, iyagoo ku ammaanay inay si daacad ah uga hadashay qabatinka.
"Selena Gomez oo si daacad ah uga hadlaysa qabatinka nikotiinta waxay ina xusuusinaysaa in caadooyinka qaarkood ay ka adag yihiin sida ay dadku u malaynayaan in la joojiyo," ayuu MaxB ku qoray barta X.
"Waan ku faraxsanahay inay qiratay arrintan, isla markaana ay doonayso inay isbeddel wanaagsan samayso," ayay Em ku raacday.



























